Elections 2021 Ethiopian language In-depth

Wajiyo cusub iyo tabashooyinkii hore: Kaalinta isbadalka, qabiilka, xisbiyada deegaanka Soomaalida Itoobiya

Xisbul Xaakim aan arxandaradiisu xumayn baa raba inuu talada iyo awooda deegaanka ku hanto nidaam u dhow midka dimoqraadiga.

Waxaa kasoo wareegtay 3 sano waqtigii Madaxwaynihii hore dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar xooga loogaga qaaday xilkiisii iyada oo loo adeegsanayo ciidanka qaranka dowlada dhexe ee Itoobiya, ololahaas oo qayb ka ahaa isbadalkii raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmad la yimid 2018. Ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalidu hada waxa uu isu diyaarinaya qabashada doorashooyinka oo lagu [waday] inay qabsoomaan 21 June 2021 amaba qaybo kamida deegaanka inay ka dhacaan.

Sadex xisbi oo ay kamid yihiin Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF), Xisbiga Xoriyada iyo Sinaanta (FEP), Xisbiga Cadaalada Bulshada ee Muwaadiniinta ree Itoobiya (EZEMA) iyo Musharaxiin madaxbanaan baa la tartami doona Xisbiga Barwaaqo ee faraca Soomaalida (S-PP) waxayna u muuqata goob lagu wada tartamayo.

Xisbiyada mucaaradku iyo musharaxiinta madaxa banaani waxay aad u isticmaalayeenn warbaahinta bulshada iyaga oo xubno kamida fariimahoodu soo ifbaxeen oo geedkasta looga sheekaysto hadal hayntooda deegaanka dhexdiisa. Si kastaba ha noqotee, waxaa isa soo taraysa cabashooyin xoog badan oo la xidhiidha nidaamka diwaangalinta kaarasha cod bixiyaasha taas oo sababtay in doorashada deegaanku dibu dhac ku yimaado in kabadan kala badh 24 deegaan oo doorashooyinka deegaanka soomaalidu ka koobanyahay.

Musharaxiinta madaxa banaan xubno kamidi waxay qayb ka ahaayeen maamulka dowlada Mustafa Cumar ka yahay ku simaha madaxwaynaha. Waxaa kamida Xasannuur Maxamad agaasimihii hore Wakaalada Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha oo hada iskiis uga sharaxan maamulka magaalada Jigjiga. Cabdiqadir Sheekh Axmad oo isaguna horay u ahaa waaxda xafiiska madaxwaynaha u qaabilsan baratakoolka, ayaa hada kamida musharaxiinta xisbiga Xoriyada iyo Sinaanta ee dagmada Dhagaxbuur, waana dagmada uu Mustafa Cumar ka sharaxanyahay ee tartanka ka galayo heer deegaan.

Rajo iyo Hididiilo wanaagsan

Doorashadan waxay kusoo aaday xilli waxbadan iska badalay qaab dhismeedka siyaasadeed iyo maamulka dowladeed ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sanadkii 2019 waxaa labadalay magacii hore xisbiga Dimoqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya (XDSHSI), waxaana lagu badalay Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida (XDS). 8 bilood kadib hadana waxaa soo baxay oo la qaatay aragtida raysal wasaaraha Abiye xibsigiisa cusub ee Barwaaqo (PP) ku sameeyay, kaaso farac ahaan Soomaalidu qayb ka noqotay (S-PP).

Nidaamkii hore SDP iyo ESPDP soomaalidu waa ka maqnaayeen miiska dowlada dhexe ee lagu go’aamiyo siyaasada ama wax lagu qabysanayo, maadama aysan qayb ka ahayn xisbi xaakmikii EPRDF, balse hada soomaalidu bartankay u fadhiyaan meesha go’aanka dowlada dhexe ku gaadhayso, maadama xubin ka yihiin xisbiga Barwaaqo.

Cabdi iley, Madaxwaynihii dowlad deegaanka  soomaray sanadihii 2010 ilaa 2018, xilkii waa laga qaaday , waxaa soo farogaliyay dowlada dhexe, waxaana lagu badalay Mustafa oo laga dhigay ku simaha madaxwaynaha dowlad deegaanka maadaama uu lahayn rusqada xubin baarlamaan ee heer deegaana. Mustafa waxuu ahaa shaqsi u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, waxuuna horay uga soo shaqeeyay lataliyaha xasiifka isuduwaha arrimaha gargaarka bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Horaantii 1990-kii oo ku beegan waqtigii la aasaasay dowlad deegaanka Soomaalida, xilligaas laga bilaabo deegaanku waxuu la kowsaday marxalado amniamni-darro, dilal wadareedyo, xad’gudubyo ka dhana xuquuqda aadamaha, colaado, saboolnimo, faquuqunimo, iyo daganaansho la’aan siyaasadeed intuba waa ka jireen haba u sii darnaato waqtigii gacanta adag uu ku hayay deegaanka Cabdi Ilay. 2007-dii, waagii Jabhada ONLF weerarka culus ku qaaday xaruntii shidaalka ee Shiinuhu fadhiyeen waxii ka danbeeyay waagaas, Cabdi ilay waxuu sameeyay maleeshiyaadka Liyuu polis sanadkii 2008 kuwaas oo loogu tala galay inay la diriraan Jabhada ONLF isla mar ahaantaasna lagu eedeeyay inuu-siiyay amaro shacabka ay ku gumaadaan.

Cabdi Ilay markii la xidhay, waxaa lagu soo oogay danbiyo laxidhiidha inuu isagu masuul ka ahaa maleeshiyaadka liyuu polis iyo inuu soo abaabulay qawlaysato dhalinyaro ahaa oo tacadiyo ka gaystay magaalada Jigjiga bishii August 2018. Eedaas loo jeediyay waxay u dhigantaa qayb yar oo kamida dhibaatada kale ee shacabka dowlad deegaanku ku eedaynayo inuu deegaanka ka gaystay.

Tacadiyada iyo arrimaha ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka jiray dowlad deegaanku waxay sii xoogaysteen 2014kii markii gudida fulintu ku fashilmeen inay xilka ka xayuubiyaan Cabdi Ilay, waqtigaas laga bilaabo waxa uu qaaday talaabooyin lagu xoojinayo dilalka sharci darada ah, kufsiga, iyo jidh-dilka intuba waxay noqdeen wax caadi ka ah deegaanka.

Mudadii u dhaxaysay 2014 illaa 2018 dhaqdhaqaaqa ganacsi ee muhiimka ah oo idil waxaa kali ku noqday madaxwaynaha iyo qoyskiisa, waxaana luntay kalsoonidii bulshada, waxaana xoogaystay dhaqankii xumaa ee dadka in la gato ama haybasho la’aanta lagu taageerayay nidaamka Cabdi ilay. Bare kamida Jaamacada Jigjiga baa ku tilmaamay dhaqanaka Cabdi Ilay iyo dowladiisu mid sawir ahaan u ekayd sheekadii mala awaalka ahayd ee uu George Orwell, kaga sheekeeyay buugisii “1984” oo taagan Qarnigan 21aad.

Taariikhdu markay ahayd Bishii August 2018, dowlada dhexe federaalka Itoobiya baa Cabdi Ilay xilkiisii xoog uga xayuubisay, waxaana badalkiisii la keenay Mustafa. Mustafa waxuu bilaabay durbadiiba olole uu wax badan ku badalayo, waxaa kamid ahaa ololihiisaas inuu albaabada u xidho xabsigii ciqaabta ee jeel Ogaadeen oo ku yaalay magaalada Jigjiga, waxaa kale uu bilaabay olole uu ku nabadaynayo labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada, waxuu dhiiri galiyay xoritayul qowlka, iyo nidaamka ganacsiga oo furfurmay halkaas waxaa ka baxay suuqaqii gaarka ahaa ama ganacsigii u xidhnaa shaqsiyaadka sida gaarka dowladu u wakiilatay.

Kuwii dib u soo noqday iyo doorkooda

Waxaa gacmo furan lagu soo dhaweeyay bulshadii wadanka colaadaha iyo amnidarada uga haajirtay ee hada isbadalka dartiis dib ugu soo noqday deegamadoodii. Balse dad badan oo u dhashay deegaanka waxay u arkaan in ay isbadalka iyo dibu habaynta deegaanka Soomaalida Itoobiya ka socda wali ahayn mid la taaban karo. Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa sida dowladu uga gaabisay inay cadaalada hor keento danbiilayaashii ku eedaysnaa tacadiyadii ka dhacay deegaanka iyo inay mag dhow u raadiso dhibanayaashii lasoo dulmiyay.

Sida uu sheegay qof kamida shaqaalaha dawladu, waxaa jirta nabad iyo xasilooni wanaagsan. Laakiin xasiloonida iyo nabad galyada hada la haysto lama odhan karo waxaa masuuliyadeeda wada leh maamulka hada jira.

Maamulka hada jira qayb fiican bay ku lahaayeen in deegaanku helo nabadgalyo iyo daganaanta ka jirta dhulka, balse waxa kasii muhiimsan kaalinta ay dhamaan bulshada deegaanku ka qaateen nabada iyo xasiloonida maanta la haytso.

Bulshadu waxay muujiyeen tanaasulid badan, kamaysan aar goosanin tacadiyadii dowladii hore u gaysatay iyo dadkii u gaystayba, waxaana si nabada lagu wada noolyahay deegaanka dad tacadiyo lagu soo eedeeyay. Tusaale ahaan waxa jooga deegaanka xubnihii Liyupoliska ee qayb ka ahaa tacadiyadaas iyo Ururka ONLF oo  nabad raba inay halgankoodi ku wataan kana mida hada xisbiyada siyaasadeed ee ka diwaan gashan dalka Itoobiya.

Maamulka Mustafa isbadalka siyaasadeed uu la yimid waxaa kamida inuu jagooyinka wasaaradaha sare dowlada u magacaabay dhalinyaro heerarka aqoontoodu sarayso kuwaaso u qalma jagada madax-xafiiseedyada. Waxa kale oo masuuliyiintaas uu magacaabay kamida kuwa horay uga soo shaqayn jiray Ururada samafalka iyo siyaasiyiin Cabdi Ilay wadanka ka caydhiyay. Halka kuwa kalena ay ahaayeen masuuliyiin sare oo hada ka hor Cabdi Ilay lasoo shaqeeyay waxii ka horeeyay sanadkii 2014kii, waxaana kamida shaqsiyaadkaas kuwo kusoo shaqeeyay Madaxwayne ku xigeenka, Madax Xafiiseedkii Maaliyada iyo Madaxii Xafiiska ka Hortaga Musiibooyinka.

Dadkii wadankooda dib ugu soo laabtay waxaa kamida xubno kujiray gudidii fulinta Cabdi ilay ee 2014kii la caydhiyay, xubnihii ONLF, iyo waliba taageerayaashii ururka Isbahaysiga Cadaalada ee Deegaanka Soomaalida (SRAJ) kuwaaso ahaa shabakad isbadal doona sigaarana u taageeraysay Madaxwayne Mustafa Cumar.

Mustafa waxuu damcay qurba joogta deegaanka wadankoodi ku soo laabtay inuu xilal kasiiyo maamulkiisa balse caqabado ayuu kala kulmay gaar ahaan sharciga Dalka Itoobiya oo aan u oggolayn in qof haysta dhalasho wadan kale xil looga dhiibo xafiisyada dowlada. Sidaas awgeed waxa uu markaas u magacaabay inay xafiisyada dowlada la taliye ahaan ula shaqeeyaan sida xafiiska Madaxwaynaha, ku xigeenka iyo dhamaan wasaaradaha oo idil inay la taliye ahaan ula joogaan.

Madaxwaynuhu isaga oo raaligalinaya taagerayaashiisii waxuu magacaabay la taliyaashii ugu badnaa ee taariikhda deegaanka soomara illaa meelaha qaarkood uu tiro 3 la taliye u magacaabo hal shaqo; sida la taliyaasha madaxwayanaha dhinaca xidhiidhka iyo gargaarka bani-aadanimo

Magacibstaas guulo badan lagama gaadhin.

Siduu nala wadaagay xubin taabacsan xisbiga barwaaqo kanamida masuuliyiinta sare ee shaqaalaha rayidka ah oo wargayska Ethiopia Insight ugu waramay makhaayad ku taala Jaamacada Jigjiga waxuu sheegay “dadkii lamagacaabay isla sanadkii u horeeyayba kuwa badan oo kamid ah la taliyaashii xilalkii bay iska casileen. Waxaana sabab u ah inaan wax badan lala tashanin. Sidoo kale waxaa jirtay muran la isku mari waayay oo la xidhiidhay kaalinta la taliyaashu leeyihiin iyo waxay madaxwaynaha kala talinayaan”.  Sidaas awgeed, la taliyaashii ugu horeeyay ee la magacaabay intooda badan xilalkii waa ka tageen taariikhdu markay ahayd dhamaadkii 2020. Mustafa waxa uu ku badalay dadkii xilka ka tagay xubno kale oo intooda badan  qurbajoogtii dhulka dib ugu soo laabtaya.

Kasokow isbadaladaas siyaasadeed, wali deegaanka kama dhicin dibu habayn qoto dheer oo lagu hanaaniyo haykalka iyo haayadaha dowliga waana arrimo wali dhiman. Xubnihii aan waraysanay waxay noo xaqiijiyeen inaan wax isbadala ama dibu habayna lagu samayn nidaamka haayadaha dowliga ahi adeega u siiyaan bulshada. Ma jiraan siyaasad dowladeed ama qorshe ku filan oo haga oo loo dajiyay inay ku dhaqmaan shaqaalaha dowladu, xubno tiradoodu yartahay uunbaana si fiican u garanaya shaqadooda iyo waxa laga rabo shaqaalaha rayidku inay qabtaan.

Madax xafiiseed urur kamid ah Ururada Arrimaha bulshada ee ka hawl gala Jigjiga isaga oo ku sugan xafiiskiisa, waxuu noo sheegay xataa “inaysan jirin arrin hiigsi iyo yoolal cad oo lagu heshiiyay in la gaadho ama laga soke marin oo markaas shaqaalaha waxii ka xumaaday ama waxii uu hirgalay lagu qiimayn karo, raad raacaas inuusan jirin. Inta badana shaqaaluhu maba haystaan wax qeexaya shaqadooda oo ay ku gartaan kalintooda shaqo waxay tahay”.

 Kaalinta Qabiilka

Jagooyinka muhiimka ee xafiisyada dowlada markii loo magacaabayo qof waxaa kaalin wayn ku yeeshay qabiilka. Shaqsiga la magacaabayo, ka sokow aqoonta uu leeyahay,  waxaa lagu xushaa beeshuu kasoo jeedo. . Caqabadii ugu waynayd ee maamulka Mustafa la kulmo sanadkii u horeeyayba ee la isku mari waayay, waxay ahayd qaabkii loogu qaybiyay jagooyinka qabiilada deegaanka, ka soobilow Madaxwayne ku xigeenka illaa meesha ugu hoosaysa ee heer xaafadeed, qaabkii loo qaybsaday waa la isku khilaafay.

Bilowgiiba Mustafa waxa uu isku dayay inuu magacaabo laba madaxweyne ku xigeen oo Adan Faarax iyo Cabdiwaasac Bade la rabay in loo magacabo balse arintaas waa fashilantay oo reeraha qaar ayaa ka hor yimid iyagoo u arkaya danaha qabiilkooda inay ka hor imanayso.

Caqabadahaasi deegaanko dhan bay ka jirtay. Tusaale ahaan, maamulkii loo magacaabay degmooyinka Harawa iyo Awbare ee Gobolka Faafan waxaa ka hor yimid oday dhaqameedkii deegamadaas oo ku qanci waayay sida loo kala siiyay xilalka jifooyinka hoose ee qabaailada halkaas ku dhaqan. Dhibkaaso sababay xiisado ka dhex abuurma qabiilada dhexdooda iyo waliba in hakad ku yimaado adeegi bulshadu heli lahayd.

Maadama Qabiilku saamayn xoog badan ku yeeshay magacaabista Jagooyinka Dowlada ee muhiimka ah, waxay abuurtay, Madax Xafiiseedka iyo ku xigeenadu in maamulka dowlada kaliya la xisaabtamin balse Oday Beeleedku laftoodu la xisaabtamaan iyo waliba dad kaleba, gaar ahaan dhalinta ganacsiga fiican ku leh deegaanka.

Walow dowladu kaalin ku leedahay cida hormuudka u ah qabiilada, hadana wali waxaa xoog badan labada, qabiilku saamaynta uu ku leeyahay madaxda dowlada, sidaasoo kale danaha qabiilku waa mida saamaynta wayn ku leh magacaabista xilalka dowlada.

Dhinaca kale, intooda badan dadkii dhinabayaasha ahaa ee nidaamkii hore tacadiyada kala kulmay illaa hada wax muuqda oo loo qabtay ma jirto. Dowladu waxay soo jeedisay nidaam lagu xaal marinayo dhibanayaasha midaas oo illaa hada hirgalin, waxayna arrintaas tilmaamaysa gaabiska dhinaca dowlada iyo sidaan loogu kansho haynin in dowladu u samayso garsoor ama nidaam lagu darso oo loogu raadinayo cadaalad tacadiyadii hore ee la xidhiidhay arrimaha xuquuqul insaanka.

Dad aad u kooban baa illaa hada magdhow loo siiyay dhibabkii kasoo gaadhay nidaamkii hore. Balse dadkaas magdhowga helay waxay u badanyihiin xubno waqtiyada qaar ka sooshaqeeyay nidaamkii hore, waxaana kamida dadkaas xubno qaladaad ay galeen dartood loo xidhay.

Dhibanayaasha badankoodu xidhiidh  kalama dhaxayn  dowlada, dhibkii  soogaadhayna waxay ku qasbanayeen inay dhaawacaas abadiyan ku noolaadaan. Illaa hada magdhow rasmiya iyo daryeel lagu baxnaanin karo midna lama siinin. Xataa laguma dhiirigaliyo inay dacwoodaan oo kiisas ay ka furaan maxkamada lagu oogayo dadkii dhibkan u gaystay.

Sida uu madax xafiiseedurur kamid ah Ururada Arrimaha Bulshada uu u sheegay wargayska Ethiopian Insight  isaga oo ku sugan xafiiskiisa Jigjiga “waxaa jira wadooyin badan oo loo mari karo sidii wax loogu qaban lahaa dhibanayaashii tacadiyadu soo gaadheen: waxaana kamida dhayida dhaawacyadii maskaxiyan u soo gaadhay dhibanayaasha si ay noloshooda dib ugu hantaan, waxaa kaloo kamida in dibu-heshiisiin toos ah loo furo dhibanayaasha iyo dadkii dhibka lagu eedeeyay midaas oo noqon karta bal in marka hore la aqoonsado cadaalad darro inay soo dhacday. Arrimahaas oo idil midna wax fiican lagama fulinin.”

Fidinta adeega bulsho

Isbadalka deegaanka si aan wax uga oggaano, waxaa kale oon ku cabiri karnaa sida dolwadu u bixiso adeega bulsho.

Si guud waxaa la odhan karaa, maamulka cusub ee dowlad deegaanka hada ka talinaya waxuu horumar ka sameeyay dhinaca kaabayaasha horumarka, gaar ahaan dhinaca dhismaha wadooyinka sida kuwa magaalooyinka laga sameeyay, iyo dhismayaasha Iskuulada. Balse waxaa la odhan karaa wax badan laguma soo kordhin dhinaca bixinta adeegyada asaasiga ah.

Tusaale ahaan waxaa caqabado ka jiraan dhinaca helitaanka biyaha. Ka sokow biyaha roobka, magaalooyinka waawayn iyo dhamaan inta badan deegaanka oo idiliba waxay la il’daran yihiin biyo yari sanadka intiisa badan. Jigjiga oo ah magaalada madaxda deegaanka, xataa biyo la’aan xun baa saamaysay.

Maadama oo aan la dayac tirin lana ilaalinin waxaa sanadkii lasoo dhaafay engagay oo biyo laga waayay biyo xidheenka jigjiga, maamulka dowladuna waa ku guul daraysteen inay keenaan il joogta ah oo biyo laga helo si xal looga gaadho biyo la’aanta ka jirta Jigjiga. Gudhitaanka biyo xidheenka Jigjiga waxa uu saameeyay mashaariicdii dhinaca dhimsaha, waraabka, iyo biyihii reeruhu isticmaalayeen, waxaa kale oo qaali noqday qiimaha lagu kala gadanayo biyaha. Waxaana jirta halis in biyuhu noqdaan wax aan la goyn karin oo dad badan oo deegaanka ku nooli heli karin.

Musuqmaasuqu waa wax muuqda oo la wada arko iyada oo laaluushka sharci darada ahina yahay wax joogta ah. Adeeg bixiyaashu waxay rabaan laaluush si ay u bixiyaan baasaboorka, kaarka aqoonsiga iyo waliba liisanka ganacisga iyo liisanka maalgashiga. Waxaa qayb ka ah arrintan qandaraasyada dowladu bixiso waayo masuuliyiin sare oo kamida xafiisyada dowladu waxay rabaan qandaraasyada ay bixiyaan in dib jeebkooda dhaqaale loogu celiyo.

Qof kamida qurba joogta deegaanka oo shirkad maamule ka ah islamarkaasna kamida dadka wax maalgashada ayaa wargayska Ethiopia Insight u sheegay “Inuu qof ku guulaysto tartanka qandaraasyada, waxaa waajiba inaad laaluush siisid qofka howsha soo fududaynaya. Anigu ma aqoon dhaqana uma lihi arrintaas, sidaas baana marar badan shirkadayadu waxba ugu guulaysan walow aan u qalano fulinta mashaariicdaas. Waxaa dhacda kuwii laaluushka ku soo qaatay qandaraaska ee soo guulaystay inay anaga dib noo sii siiyaan inaan mashaariicdaas soo qabano maadama aysan ayagu lahayn khibradi iyo awoodii ay ku fulin lahaayeen intaba.”

Biyoole ku mashquulsan inuu xaafadaha ka gado biyo isaga oo ka faa’idaysanaya biyo la’aanta ka jirta magaalada Jigjiga; taariikhda 28 May 2021; Cabdiraxmaan Axmad

Waxaa xumaanaysa tayadii laga rabay mashaariicda, dibu dhac ayaa ku imanaya, waxaana meesha ka baxaysa dabagalkii iyo kormeerkii lagu samayn lahaa sida mashruucu u socdo iyo qiimayntiisa intaba. Waxaa joogta ah ku tagrifalka hantida dadwaynaha iyo tas-hiilaadka oo noqday dhaqan xun oo madaxda dowladu leedahay mana jirto qorshe lagu dabagalayo ama kormeerayo oo markaas kuwa masuuliyada xun ku talaabsada lagu ciqaabayo.

Waxaa la ilaaway barakacayaasha dalka gudihiisa ku barokacay ee ku sugan deegaanka in loo samofalo, loo adeego oo xalna loo helo dhibka haysta. Tirada guud ee barakacayaasha waxba iskama badalin, labadii sano ee la soo dhaafay waxay hoos uga dhaceen 1 million iyaga oo gaadhay 0.84 million kaliya, intooda badan barakacayaashu waxay ku nool yihiin goobo aan rasmi ahayn, waxayna kor saar ku yihiin bulshada kale ee markii horeba la daala dhacaysay baahida iyo adeeg xumada ka jirta dowlad deegaanka.

Tusaale ahaan, dad tiradoodu gaadho kun, ku soo baro kacay abaaraha i.w.m ayaa dibu dajin loogu sameeyay magaalada Wardheer iyo goobo kale oo kamida deegaanka sanadkii 2020. Dadkaas goobahaas la dajiyay wax adeega oo loo sii diyaariyay ma jiro. Waxayna keentay in adeegi yaraa ee goobahaas kasii jiray ay culays kale sii saaraan oo lagaba yaabo inay xasilooni darro ka dhalato u dhaxaysa bulshadii sii joogtay iyo barakacayaasha la keenay. Baahida u horaysa ee ay qabaan barakacayaashu waa helitaanka biyo, hoy, cunto, iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah. Barakacu waxay u baahanyihiin xal rasmiya, midaasna dhaqaale ayay rabtaa.

Waxa ay maamul xumo baahsani ka jirtaa qaabka loo maareeyo kharashka ay dawladu u qoondayso barakaca ama ay ka hesho bahwadaagta iyo deeq-bixiyayaashaba. Madaxa maamulaha kuliyad waxbarasho oo gaar loo leeyahy oo ku taala magaalada Jigjiga ayaa u sheegay Ethiopia insight. “Waa run in xoriyada hadalku furantahay dadkuna ay waxay doonaan ku hadli karaan siday jecelyihiin. Laakiin waxaan wali wax iska badalin hay’adka dowligu  adeega bulshada siday u bixinayaan. Barakacaayashu mudo 4 sano ah ayay barakac yihiin illaa hadana adeega aasaasiga ah xataa ma haystaan”.

Awooda dowladeed

Doorashooyinkii ka dhici jiray deegaanku waxay ahaayeen nidaamyo dad lagu xulanayo ee mayna ahayn kuwa dad lagu dooran jiray.

Dadka intooda badan wax xiiso ah umayna qabin inay isa soo sharaxaan ama ay doortaan xubnaha ay dowladu soo magacaabatay ee la rabo in ay u codeeyaan toona. Doorashadii 2005 ayaa la odhan karaa waxay ahayd mid lagu tartamay, midaas oo oday dhaqameedku kaalin buuxda ka ciyaareen sidii lagu soo doortay musharaxiinta iyo sidii loo qabtay doorashadaba.

Doorashadan wakhtigeedu joogo waxaa jira 4 xisbi oo ku loolami doona tartanka waxaana kamida (S-PP, ONLF, Ezema iyo FEP) iyo shaqsiyaad badan oo iskood u sharaxan xisbina aan kamid ahayn. Waxa kale oo jiray 3 shaqsi oo aan kasoo jeedin qowmiyada Soomaalida oo magaca xisbiga Ezema ku tartamayay kuwaaso ka sharaxnaa ama rabay inay xil ka qabtaan ismaamulka magaalada Jigjiga.

Kasokow maamul xumada jirta, dadka badankoodu waxay aaminsan yihiin in xisbiga Soomaalida Barwaaqo (S-PP) ku guulaysan doono tartankan, dhowr sababood baana lagu cabiri karaa. Musharixiinta S-PP waa dad bulshada ay matalaani xurmo u hayso, waana kuwa u qalma oo haysta aqoon fiican, inkasto qeybo yar oo kamida yihiin dhalinyaro hada uun soo qalin jabisay halka xubnaha qaarkoodna laga yaabo inay sheeganayeen, kuna ololaysanayeen heerar waxbarasho oo aysan wali kasoo qalin jabinin.

Sida ay sheegeen xisbiga Barwaaqo (S-PP), 64% (boqolkiiba lixdan iyo afar) kamid ah  musharaxiintoodu waa shaqaale dowladeed heer federaal iyo heer deegaan. Sharciga doorashooyinku waxuu dhigayaa musharaxu haduu shaqaalaha dowlada kamid yahay inuu fasax bilaa mushaara qaato si uu uga qayb galo tartanka doorashada. Balse tartamayaasha shaqaalaha dowlada ee ismaamulka soomaalidu midaas mayna samaynin. Waxayna arrintaas siinaysa fursad ay uga faaidaystaan awoodooda maamul iyo inay u isticmaalaan dakhliga iyo hantida xafiiskooda arrimaha doorashada iyo ololahooda.

Musharax kamida Xisbiga Xoriyada iyo Sinaanta (FEP) oo lagu magacaabo Yusuf Axmad horayna uga mid ahaa gudida doorashoyinka dowlad deegaanka doorashadii 2005-ta ayaa waxa uu noo sheegay in “Faraca Soomaalida ee xisbiga Barwaaqo adeegsanayaan hanaankasta oo ay wax ku heli karaan, xataa waxay adeegsanayaan munaasabadaha loogu tala galay adeega bulshada inay olole doorasho ka dhigtaan halkaasna looga ololeeyo xisbiga Barwaaqo (S-PP). Fursadaasi waa mid aysan haysanin xisbiyada mucaaradka ahi”.

Eedahaas waxaa gaashaanka ku dhuftay masuul sare oo kamida maamulka dowlad deegaanka, waxuuse qiray xeerka doorashooyinku inuu dhigayo qodob sheegaya in qofka shaqaalaha dowlada ah ee doorashada ku jiraayi qaato fasax bilaa mushaara, balse midaasi aana wali dowlad deegaanku ku dhaqmin. “ sumuuni kamida miisaaniyada dowlada looma isticmaalin ololaha doorashadan, waxaana qarashaadka ku baxay ololaha doorashada bixiyay xafiisyada xisbiga barwaaqo waxii dheeraad ahna musharaxa ayaa jeebkiisa ka bixiya”. Waa fariintay siiyeen wargayska Ethiopian Insight.

Xisbiyada mucaaradka ololahooda doorashadu maaha mid saamayn leh ama mabaynaba illaa hada bulshada usoo bandhigin mowqifkooda siyaasadeed iyo waxay qaban doonaan hadii la doorto, waxayna midaasi keentay inay taageeradoodu ku koobnaato dadka ay saaxiibka la yihiin iyo inyar oo kamida qabiilada ay kasoo jeedaan.

Magaadala Dhagaxbuur hadaan tusaale u soo qaadano, nin ganacsade ah oo tukaan yar ku haysta magaaladaas baa ka sheekeeyay dhaqdhaqaaqa musharaxiinta mucaaradka ah waxuuna yiri “ Marka laga reebo Cabdiqadir Axmad oo isagu baraha bulshada ololihiisa u isticmaalayay, musharaxiinta kale iyo xisbiyada mucaaradku toona lamayna wadaagin shacabka hindisahooga iyo qorshaha ay maaganyihiin toona”.

Dhinaca kale, Mustafa iyo xubnaha kale ee musharaxiinta xisbiga S-PP dhowr jeer bay si isdaba joog ah u booqdeen bulshada ay matalaan ee dagmada Dhagaxbuur halkaas oo ay kulamo kula qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan ee kunool Dhagaxbuur mudadii ololuhu bilowday.

Markii la bilaabay diwaan galinta cod bixiyaasha, xisbiyada mucaaradka iyo shaqsiyaadka goonida u taagani waxay cabasho ka muujiyeen nidaamka loo maamulay howshaas. Waxay ahayd in lala socodsiiyo waqtiga kaarasha codbixinta la keenayo, iyo goorta la qaybinayo midaas oo aan la samaynin.

Sida uu sheegay xubin kamida musharaxiinta xisbiga FEP waqti lagu waraystay xafiiska xisbigooda ee magaalada Jigjiga, waxuu soo jeediyay eed dowlada “Ururada mucaaradka waxaa laga hor istaagay inay la socdaan nidaamka loo diwaangalinayo cod bixiyaasha. Deegaamada qaarkood xubnihii aan u dirnay inay soo kormeeraan waa la dhibaateeyay oo maamulka deegamadaas baa jaaifooyin u gaystay”.

Musharaxaasi xisbiga FEP waxuu aaminsan yahay in ka badan 70% (Boqolkiiba todobaatan) kaarashii cod bixinta inay ku jiraan gacanta taagerayaasha xisbul xaakimka S-PP. Kaarashii kale ee soo galay gacanta dadwaynaha waxay joogaan beec oo waxaa lagu kala gadanayaa magaalada Jigjiga si ka baxsan sharciga.

“Maalin kasta waxa nala soo hadlaya shaqsiyaad noo sheegaya inay naga gadaan 200 kaarashii codbixinta doorashada kamida, iyaga oo ku raba lacag qiimaheedu gaadhayo 2,000 ama 3,000 oo lacagta Itoobiyaanka ah, laakiin dhag uma dhigno”. Waxaa sidaas yiri xubin kamida musharaxiinta xisbiga FEP oo wargayska Ethiopian Insight ku waraystay xafiiska xisbiga FEP ee magaalada Jigjiga.

Dhibaatadan waxay muujinaysaa Gudida Doorashooyinka Qaranka Itoobiya oo u muuqda mid aan awood u lahayn inuu si madax banaan u howl galo isla mar ahaantaasna ku tiirsan ama ka maarmin taakulada dowlada iyo xisbul xaakimka talada haya dhinac dhaqaale ahaan, agab ahaan iyo farsamo ahaanba. Waxaas oo dhan waxaad mooda in ay qaybo kamida ugu tiirsanyihiin dowlada talada haysa.

Taariikhdu markay ahayd 18 April, waxaa isu yimid  gudiyo ka kooban xisbiyada mucaaradka sida ONLF, Ezema, FEP iyo Xubnaha iskood u taagan kuwaas oo si wada jira u qaadacay doorashada kuna dhawaaqay inay hakad galinayaan ololaha doorashada. Waxay baaq u direen gudida doorashooyinka inay cabashaday soo jeediyeen baadhitaano ku sameeyaan. Waxay ku nuuxnuuxsadeen inaysan doorashada ka qayb qaadan karin illaa kaarashii codbixinta la baajiyo oo kuwo cusub lagu badalo iyo inta nidaam hufan oo lagu wada kalsoonyahay lagala imanayo.

Gudida doorashooyinku iyaga oo baaqaas ka jawaabaya, taariikdu markay ahayd 8 May waxay ku dhawaaqeen in hakin lagu sameeyay 7 goob doorasho oo muhiima. Waxaana kamida goobahaas hakadka lagu sameeay Qabridahar, Wadheer, Qalaafo, iyo Goday. Talabadaas gudida doorashooyinku qaateen, mucaaradku kuma qancin jawaabna uma ahayn cabashadoodii la xidhiidhay kaarasha codbixinta sidii loo qaybiyay. Mucaaradku mar labaad si wada jira waxay ugu celceliyeen ka qayb qaadashadooda doorashadu inay ku xidhantahay jawaabta ay cabashadooda ka bixiyaan gudiga doorashooyinku.

Halganka Mucaaradka

ONLF markii ay ka tanaasushay dagaalkii hubaysnaa bishii August 2018, waxay la kulmeen soo dhawayn diiran iyo taakulo xoog badan oo ay kala kulmeen bulshada dowlad deegaanka waqtigaas. Ururka ONLF kamuuna faa’idaysan soo dhawantaas iyo taakulada uu kala kulmay bulshada deegaanka waxaana sabab u ah khilaaf ururka dhexdiisa ka jiray iyo ururka oo aan la imanin qorshe siyaasadeed oo muujinaya in bulshada laga gado nidaamka ururku uga guuray halgankii hubaysnaa ee loogu guuray nidaamka xisbiga siyaasadeed. Midaas oo keentay in taageeradii bulshada laga faa’iidaysan waayo, oo xataa deegaamada qabiilada Ogaadeenku dagaan ay ONLF ka heli waydo taageero fiican.

Heshiiska ay ONLF qaadatay ee ay ugu xuub siibatay urur kamida xisbiyada dalka Itoobiya ka sharciyaysan illaa hada uma qeexna bulshada. Xataa xubno badan oo kamida ururka ONLF iyo taageerayaashiisa uma cada arrintaasi, waxay taageerayaasha qaar ku doodaan in ururku xooga saaro hadafkii siyaasadeed ee ku salaysnaa aayo ka tashiga halkii xooga laga saari lahaa howl maalmeedka kalee  siyaasadeed. Magaca ururka wali su’aalo badan baa ka jira, gaar ahaan dad kamida bulshada aan kasoo jeedin beesha Ogaadeen waxay dhaliilayaan magac beel in ururku isticmaalo. Waxayna noqotay meelo xisbiga Barwaaqo (S-PP) ka weeraro ururka ONLF iyo madaxda ururkaba.

Dabcan, hada ONLF way kala qaybsantahay, dhalin badan oo aqoonyahan ah oo laf dhabar u ahayd ururku waxay hada taageero u muujiyaan dowlada Mustafa. Golaha dhexe ee Ururka ONLF baa shir isugu yimid 21 illaa 23 bishii January, iyaga oo sheegay inay xilka ka qaadeen gudoomiyaha ururka, Mudane Cabdiraxmaan Mahdi, una magacaabeen si ku meel gaadh ah Mudane Rayaale Xaamud, oo ahaa markii hore Gudoomiye Ku Xigeenkii, waana xubin kasoo jeeda gobolka Sitti. Go’aankaas golaha dhexee ONLF soosaaray, waxaa qaadacay gudiga doorashooyinka NEBE oo sheegay inay ka hor imanayso qawaaniinta xisbiga u yaala.

Masuuliyiin kale oo kamida madaxda ugu saraysa ururka ayaa ONLF iska casilay, waxaa kamida Xasan Macalin, oo kamid ahaa gudida fulinta ONLF ahaana madaxii xafiiska ONLF laantiisa Addis Ababa. Xasan hada waxuu kamid yahay musharaxiinta xisbiga S-PP ee ka tartamaya Dhagaxbuur. Waxa kale oo kamid ahaa madaxda is casishay ee Cabdiraxmaan Mahdi kasoo hor jeeday, Axmad Yaasiin oo isna ahaa xubin kamida gudida fulinta ONLF, deegaan ahaana kasoo jeeda Wardheer.

ONLF hada waxay u qaybsantahay 4 qaybood: koox waxaa hoggaaminaya Cabdiraxmaan Mahdi, waxayna ka qayb qaadanayaan tartanka doorashada, kuwa kamid ahi waxay aaminsanyihiin inay ku guulaysan doonaan doorashadaas. Koox kale waxaa hoggaaminaya Rayaale, iyagu kama qayb qaadanayaan doorashada. Koox kale oo u badan shakhsiyaad inbadan kusoo jiray ururka, isuguna jira xubnihii Jabhadii Soomaali Galbeed iyo daggaalyahamiintii ciidanka ONLF, kuma qanacsana qorshaha cusub ee ONLF xisbi siyaasadeed ku noqotay waxayna iyagu door bidayaan in loo halgamo sidi lagu gaadhi lahaa aayo ka tashi.

Kooxda afaraad waxaa hoggaaminaya Dr Maxamad Ismaaciil, fadhigiisuna yahay dalka Australia, waa gudoomiye ku xigeenkii hore ee ONLF. Dr Maxamad isagu wada hadalka nabada lagu qaatay iyo heshiiskii lala sexeexday Itoobiya waa iska diiday. Waxay aaminsanyihiin Jabhadii Xaqa ahayd inay iyaga yihiin, oo ku taaganyihiin himiloyinkii ururka ONLF loo aasaasay ee xoriyada, illaa heer goosasho.

Kala qaybsanaanta ururka ONLF ka jirtaa waxay gaadhay heeray saamayso in ururku awood u waayo uu ku soo xusho xubno ku haboon inay doorashada uga qayb galaan. Tusaale ahaan, goobihii Ururku caanka ka ahaa ee awooda badan ku lahaa sida Dhagaxbuur, Wardheer, iyo Shabeelle waxa ku adkaatay in musharaxiin laga diyaariyo. Abaabulka iyo ololaha liita ee ONLF iyo muranka ka taagan qorshe siyaaseedka ONLF waxay dadka u waramay wargayska Ethiopian Insight u sheegeen, ONLF liistada  tartamayaasha doorashada inay ka galayso Meesha ugu  hoosaysa  hadii bulshadu wax doorato.

Xisbiga S-PP waxa kaluu ka faa’idaystay cabsida shacabku qabaan iyo oday dhaqameedku ee la xidhiidha haday taakulo siiyaan xisbiyada mucaaradka inay dowladu ka aamin baxayso islamarkaasna ay luminayaan jagooyinkii iyo fursadihii ay ka haysteen ama ka heli lahaayeen dowlada.

Oday beeleedku iyo ganacsatadu taageeradoodu hadiyo jeer waxay u janjeedha dhinaca musharaxiinta xisbiga talada haya, iyaga oo ka gaabsada kuwa mucaaradka iyo xubnaha iskood u taagan, kuwaaso iyagu u baahan inay la yimaadaan qorshayaal xoogan oo lagu taageeri karo maadaama waxa ay bixin karaan wakhtigan uu iska yaryahay.

Waxa intaas dheer, Xibsiga S-PP waxay qaateen istaraatajiyad ay ku xulanayaan dad aqoontoodu sarayso oo u qalma islamarkaasna qadarin ku dhex leh bulshada dhexdeeda gaar ahaan qabiiladooda, si midaasi u xoojiso kanshaha ay ugu guulaysan karaan doorashada.

Sidoo kale, walow xeer  dhigaya uusan jirin shaqaalaha dowladu inay si toosa u taageeraan xisbiga talada haya, balse dhaqan ahaan waxa muuqanaysa inay taakulayn toosa siinayaan xisbiga S-PP. Xubin kamida shaqaalaha rayidka ah ee magaalada Dhagaxbuur baa sheegay in shaqaalaha dowladu  xubno kawada yihiin xisbiga S-PP “waxay mushaarkayaga ka goostaan dhigaalka (ama qaadhaanka) xubinimada xisbiga S-PP, iyadoon loo eegayn xisbiga aan ka tirsanahay.”

Maktabad ku taala magaalada Dhagaxbuur oo dhalinyaro iskaa wax u qabso ku shaqaynaya u fureen bulshada; Dhagaxbuur, Dhagaxbuur; taariikh 12 March 2021; Cabdiraxmaan Axmad.

 Kaalinta oday dhaqameedka

Arrin fiiro gaara u baahan waa isbadalka uu Xisbiga S-PP ku sameeyay nidaamka ay ku soo xusheen xubnaha tartanka doorashada uga qayb galaya.

Inkastoo oday dhaqameedku kaalin aad u laxaad leh ku leeyihiin arrimaha la xidhiidha siyaasada deegaanka iyo siyaasada looga qayb noqonayo nidaamka, balse xiligan waa ka duwanayd nidaamyadi hore ee lagu xulanayay musharaxiinta. Gaar ahaan aad bay uga duwanayd midkii 2005 lagu soo xushay musharaxiinta deegaanka.  Xisbul xaakimka waagaas waxaa soo xulay oday dhaqameedka kaalin fiicana ku lahaa. Balse xulashada musharaxiinta sanadkan waxaa masuul ka ahaa dhalinyaro kamida maamulka dowlada oo matalayay beesha una xulayay cida matalaysa qabiilada.

Waxaa intaas dheer, in laga talaabsaday in lala tashado qaybaha  kala gadisan ee bulshada gaar ahaan oday dhaqameedka, arrintaas waxay keentay deegamada qaarkood inay isku fahmi waayaan oday dhaqameedka iyo dhalinta dowlada ku jirtaa oo la isku qabto cida beesha u tartamaysa. Awaare iyo Maamulka magaalada Jigjiga ayaa tusaale loo soo qaadan karaa oo kamida goobihii khilaafyadu ka dhasheen oo waliba keentay in khilaafkaas dhaliyo in musharaxa dowladu soo xulatay laga garab sharaxo xubno kale oo madax banaan oo iskood u taagan oo la tartamaya musharaxa dowlada, maadama beeshii deegaankaasi ini uun ku qancin musharaxii dowladu usoo xushay.

Waxa ugu wayn ee ay ku kala gadisanyihiin dhalinyarada dowlada ku jirta iyo oday dhaqameedku waa mid la xidhiidha isbadalka dhinaca jiilka. Dhalintu cabirkooda siyaasadeed ee ay ku taagerayaan musharaxiinta waa falsafada siyaasadeed ee musharaxu aaminsanyahay, halka oday dhaqameedku ku qiimaynayaan kaliya beesha uu kasoo jeedo musharaxu.  Oday dhaqameed kamida xubnihii lagu waraystay Jigjiga baa sheegay “ma jiraan dalad ay leeyihiin oday dhaqameedka deegaanku oo saamayn ku yeelan karta dowlada”. Isku day noocaas ahaa oo lagu samaynayay gudi odayaal ah oo yeelan kari lahaa saamayn lagu kala doorto musharaxiinta, ma hirgalin wali.

Caqabadahaas ka sokow, Saamaynta qabiilku ku leeyahay xulashada musharaxiinta waa mid wali jirta. Tusaale ahaan, Xisbiga S-PP, markuu dhagaxbuur u xulayay dadka doorashada uga qayb qaadan doona, waxaa lagu soo xulay nidaam lagu keenay 5 qabiil hoosaad oo ugu waawayn magaaladaas in mid kasta xubin laga soo xusho. Mucaaradka iyo shaqsiyaadka sida madaxa banaan u tartamaya nidaamkaas inaysan marin bay u badan tahay, waxaa kale oo jirta inay xisbiyada mucaaradku awood u helin ay ku keensadaan 5 musharax oo magacooda ku tartami kara hal goob.

Kolba iyada oo laga qiyaas qaadanayo awooda musharaxu uu u leeyahay inuu kasbado dad doorta, waxaa dhici karta goobaha qaarkood in ay kasoo baxaan musharixiin isku jifo ah, tusaale ahaan kuwo isku jifo hoose ah ay kasoo wada bixi karaaan, mid heer deegaan, mid heer maamul magaalo iyo mid heer gobol ah. Arrintaas waxay caqabad ku noqonaysa qabiiladii kale ee ku guul daraystay inay helaan matalaad.

Maxaa laga filayaa doorashooyinka

Dadka kuu nool dowlad deegaanka Soomaalida intooda badan ma ay aaminsana inay dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah oo madax banaan. Si kasta oo ay dowlada hada joogta u sheegto in halkaas wax wanaagsan kasoo bixi doono, midaas dad badan lama qabaan. Waxaana arrintaas lagu sababayn karaa bulshadu khibradihii horay ugala soo kulmeen doorashooyinkii hore ee ka dhici jiray dalka iyo deegaanka. Waxaa kale pp intaas u dheer wax yaalihii kasoo dhacay dhinaca siyaasada heer federaal iyo heer deegaanba mudooyinkii loo diyaar garoobayay doorashooyinkan iyo talaabooyinkii ay dowladu qaaday.

Sida uu oday dhaqameed inbadan kusoo jiray siyaasada deegaanka oo kusugan magaalada Dhagaxbuur ugu waramay wargayska Ethiopian Insight “Waxaan u soo joogay siyaasada Itoobiya mudo aad u dheer, kama filayo inay doorashadan kasoo baxayso wax ka gadisan waxii horay aan u arki jirnay. Siyaasiyiinta mucaaradka Itoobiya ee xabsiyada loo taxaabay baa taas ku garan gartaa”.
Hadii doorashooyinku aysan ahayn kuw hufan, natiijada kasoo baxdaa waxay dhalin kartaa buuq siyaasadeed gaar ahaan magaalooyinka waawayn sida Jigjiga oo kale. Laakiin lama filayo inay kacdoon rabshado wata inay ka abuurmaan, bulshada dowlad deegaanka Soomaalidu way ka daaleen khilaaf, amni daro, iyo waxii xasilooni darro dhalin kara intaba.

Marka la fiiriyo kala daadsanaanta iyo sida ayna ugu diyaar garoobin in ururka ONLF doorashadan uga qayb qaato iyo sida ay xisbiyada Mucaaradka iyo musharaxiinta madaxa banaan midkoodna ula iman olole midho dhalin kara, waxaa la qiyaasi karaa in bulshada deegaanku isaga qanci doonaan natiijada doorashadan oo la qiyaasi karo in xisbiga soomalida ee Barwaaqo (S-PP) kusoo bixi doono markan, hadii xataa doorashadu ay xor iyo xalaal noqon waydo.

Query or correction? Email us

Follow Ethiopia Insight

Mareegtan waxay qayb ka tahay, qormooyin isku daba xidhiidhsan oo wargayska Ethiopian Insight ka diyaariyay doorashooyinka Itoobiya ee sanadka 2021 kuwaas oo lagu lafo gurayo arrimaha la xidhiidha cod bixinta sanadkan.

Sawirka bogga hore: Waa Goobta lagu diwaan galiyo cod bixiyaha dagmada Tulli, Gobolka Faafan, Dowlad deegaanka Soomaalida, Taariikhda 23 April 2021; Cabdiraxmaan Axmad

Join our Telegram channel

Published under Creative Commons Attribution-NonCommercial 4.0 International licence. Cite Ethiopia Insight and link to this page if republished.

We need your support to analyze news from across Ethiopia
Please help fund Ethiopia Insight’s coverage
Become a patron at Patreon!

About the author

Abdirahman Ahmed

Abdirahman Ahmed is an assistant professor of sociology at Jigjiga University. His research interest is in migration, particularly forced displacements and diaspora engagements

3 Comments

  • Waa maqaal ku qoran luqada afka soomaliga oo ay ku dheehan tahay farshaxanimo heer sare ah. waxay muujinaysaa aqoonyahanku marka uu fahamsan yahay waxa uu qoray ,in uu si fudud ugu soo gudbin karo bulshada isaga oo isticmaalaya afkiisa hooyo ee qaniga ah. luuqada waxa horumar gaadhsiiya kana dhiga mid sare ,waa aqoon yahanka u ab -sheegta .

    Abdilatif Musa
    Jijiga

  • I see it is the version of old article.that was written before . Kudos for the effort. Midda kale, si huffan ayaad u qortay ama u diyaarisay maxaa yeelay waayadan dambe waxaan arrkay af-soomaaligii oo si foolxun oo aan naxwe, ereyo iyo hingaad midna lahayn layskaga xatxariiqo.

    Madsanid C/raxmaan

Leave a Comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.